Baarlamaanka Warar 

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan casho Sharaf ah ku casuumay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo iney qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda. 

Xildhibaannada ayaa madaxweynaha warbixno dhankooda ka siiyay, kuwaas oo tallooyinka ay kamid ahaayeen.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in shirka Puntland, Jubbaland iyo dowlada federaalka uu furmo. 

Warar kale oo la xiriira