Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Saciid Deni oo lagu casuumay in uu hadal ka jeediyo kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka Dowliga ah iyo dadaalada horumarka.

Mar uu ka hadlayay ujeedka ay u yimaadeen magaalada Mogadishu ayaa waxaa uu yiri Madaxweyne Farmaajo  waan wada casheynay  haddana waan ballansanahay, waxaa aan dooneynnaa in dalka loo furo waddo sax ah, muddii ay doonto ha qaadato waan usoo diyaar garownay in xal Soomaali la helo ayaan rabnaa. 

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyey marxalada Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Puntland ku bixinayso in ay Dalka ka dhacdo Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda. 

Aqalka Sare ayuu kula dar-daarmay in doorkooda uusan hakad gelin madaama ay maamul goboleedyada ay matalaan.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Golaha joogtada ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Warar kale oo la xiriira