Warar 

Xasan Sheekh iyo Safiirka Mareykanka oo ka wada-hadlay arrimo la xiriira Doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo safirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa kulan shalay ku yeeshay magaalada Mogadishu.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya, ayagoo kulankooda diirada ku saaray doorashada 2021.

Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Safiirka Mareykanka aragtiyo kala duwan oo la xiriira mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran ka taagan yihiin doorashada 2021 in waqtigeeda ku dhacda oo aan la aqbalin dib u dhac.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka oo ay ka qeyb-galay Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo Wafdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo, ayaa looga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Warar kale oo la xiriira