Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo ku baaqay in la xiro Axmed Madoobe oo hadda jooga Mogadishu

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Mogadishu u jooga shir isaga iyo madaxweynaha Puntland ay la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya inuu xabsiga u taxaabo madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

“Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo maamulka Axmed Madoobe si weyn uga horjeeda.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Axmed Madoobe uu yahay dembiile dad badan laayey ayna dacwad ka taallo, loona baahan yahay inuu wajaho Cadaalada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila maamulka Axmed Madoobe, waxaana dhowr jeer oo uu warbaahinta la hadlay ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu si xaq-darro ah iyo awood ku heysto xilka Jubbaland.

Warar kale oo la xiriira