Baarlamaanka Warar 

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare oo maanta loo akhriyay markii labaad warbixinta dib-u-eegista Dastuurka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta Xarunta Aqalka Sare ku yeeshay kulankii 5aad ee Kalfadhiga 7aad.

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo shir-guddoominayay kulanka ayaa ajandihiisa waxaa uu ahaa Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka.

Gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Senator Cabdi Qeybdiid, ayaa sheegay in ay tahay markii labaad oo ay guddiga u akhriyaan warbixinta Dastuurka.

Madaama ay adkaatay isku imaatinka labada Aqalka, howshana ay tahay sharciyan in labada aqal oo wada jira ay qabtaan, madaama ay taasi suurageli weyday, waxaan soo jeedineynaa in qodob qodob gudiyada joogtada ah ee aqal walba loo akhriyo, kaddibna wixii tala ah aan isugu noqoto, ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee labada Aqal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa soo jeediyay in guddoomiye walba uu guddigiisa uu ula noqdo warbixinta, ayna dib usoo noqdaan maalin kaddib wixii talo ama wax ku dari ah.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira