Warar 

Madasha Xisbiyada oo soo jeedisay in dib-u-eegis lagu sameeyo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqay hoggaanka dalka ee heer Federaal iyo Dowlad Gobolleedba inay la yimaadaan isu tanaasul ayna muujiyaan dabacsanaan, una dhimriyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ugu baaqday inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go’aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.

Dhinaca kale waxaa war-saxaafadeedkooda ay ku sheegeen in la ballaariyo gogosha looga arrisanayo arrimaha doorashooyinka dalka laguna casuumo hoggaanka ururada Bulashada rayidka iyo xisiyada siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Halkan hoose ka akhriso:-

Warar kale oo la xiriira