Warar 

Madaxweyne Deni oo la kulmay Fowsiyo Yuusuf iyo Ridwaan Xirsi oo horay usoo noqday Ra’iisal wasaare ku-xigeennada dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka degganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aaden iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo labaduba horay usoo noqday Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dalka.

Madaxweynaha ayaa muddooyinkii dambe kulamo la qaadanayay siyaasiyiinta ku sugan magaalada Mogadishu, kuwaas oo uu kala hadlayay arrimaha dalka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi.

Kulamada waxaa si gaar ah looga hadlay shirka magaalada Mogadishu ay ku yeelan doonaan Farmaajo iyo labada maamul ee kala ah Puntland iyo Jubbaland, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Warar kale oo la xiriira