Baarlamaanka Warar 

Sawiro: Xubnaha Puntland ku metala Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka oo Mogadishu kula kulmay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay la kulmay xubnaha Puntland ku metala Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka ah, kaddib markii uu ka qeyb-galay munaasabad Qado Sharaf aheyd.

Kulanka ayaa waxaa kaloo ka qeyb-galay Xildhibaano ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa muddooyinkii dambe kulamo la qaadanayay siyaasiyiinta ku sugan magaalada Mogadishu, kuwaas oo uu kala hadlayay arrimaha dalka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Kulamada waxaa si gaar ah looga hadlay shirka magaalada Mogadishu ay ku yeelan doonaan Farmaajo iyo labada maamul ee kala ah Puntland iyo Jubbaland, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Warar kale oo la xiriira