Warar 

Maxay tahay sababta ay Gedo xudunta ugu noqotay shirarka Muqdisho ee arrimaha Doorashooyinka?

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku sugan Muqdisho ayaa shir la yeelanaya siyaasiyiin kala duwan iyo madaxda dowladda Federaalka.

Ujeedada waxay tahay sidii ay mowqif mideysan uga gaadhi lahaayeen arrimaha doorashada ee uu muranka xooggan ka taagan yahay. Laakiin waxaa jira waxyaabo si gaar ah farta loogu fiiqayo in ay mar walba xoojin karaan khilaafka.

Horay waxaa magaalada Dhuusamareeb heshiis ugu gaadhay Madaxweynaha federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul ee kala ah Gal-mudug, Hir-shabeelle, Koonfur-Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hoggaamiyeyaasha labada maamul ee shirkaas ku gacan seyray, Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Xalay waxaa baaqday kulan gaar ah oo madaxdaas iyo madaxweyne Farmaajo lagu waday inuu uga furmo xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Horay ayey Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ugu heshiiyeen magaalada Dhuusamareeb

Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hadheeyay shirka Dhuusamareeb ayaa lagu tilmaamay go’aankii meesha looga saaray xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre, taas oo la soo billaabatay markii hore hannaanka bilawgii wadatashi ee shirkan.

Baarlamaanka federaalka ayaa codka kalsoonida kala noqday xukuumadda, islamarkii uu soo dhammaaday shirkii labaad ee ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb. Labada Maamul ee Puntland iyo Jubbaland ayaa laba warsaxaafedeed oo ay hore u soo saareen labadooduba ku caddeeyey mawqifkooda walaac ee arrintaas.

Gedo

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas’uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmada Baladxaawo oo ay horay ugu dagaallameen ciidan ay dowladda federaalka halkaasi geysay iyo ciidanka Jubbaland ayaa weli ka mid ah meelaha ay Jubbaland dalbanayso in ciidanka la geeyay laga saaro.

Degmaaoyinka Gobolka Gedo – marka laga reebo degmada Ceelwaaq – dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Amuurta kale ee iyana xusida mudan ayaa ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelan karto doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono. Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi kasoo baxaysa.

Haddii sida Dhuusamareeb lagu heshiiyey ay noqoto arrinta, oo la badiyo magaalooyinka xildhibaanada laga soo dooranayo, waxaa suuragal ah in hal ama labo magaalo la geeyo kuraasta qaar, taasoo labada qoloba ay ku dadaalayaan inay ol’ole u galaan sidii ay ku heli lahaayeen xildhibaanno ay iyagu wataan. BBC Somali ayaa warbixinta horay loogu daabacay.

Warar kale oo la xiriira