Warar 

Xubno kamida Guddiga Doorashooyinka oo tababar uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug

Tababar soconaya muddo saddex maalin oo uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxabanaan ee Doorooshooyinka Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
 
Tababarkaan oo loo qabtay shaqaalaha Guddiga ee Xafiisyada dowlad goboleedyada ayaa loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta shaqo ee la xariirta hawlaha Xisbiyada dalka, tababarkaan ayaa ku soo aaday xilli dhawaan waxka badal lagu sameeyay Sharciga Xisbiyada.
 
Ku simaha Masaxwaynah Galmudug ahna Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Md. Maxamed Nuur Gacal iyo Gudoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil ayaa si wada jir ah u furay tababarka.
 
Ugu danbayn, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Gudiga Doorashooyinka Qaranka ku dhiiri galiyay howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Warar kale oo la xiriira