Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Deni oo magaalada Mogadishu ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Xildhibaannada uu la kulmay waxaa kamid ah Cabdirashiid Xidiga, iyo wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdi Ceynta, kuwaas oo madaxweynaha kala hadlay xaaladaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan xiliga kala guurka.

Qaar kamid ah xildhibaannadii laga soo doortay Puntland iyo Madaxweynaha oo dhawaan la kulmay ayaa is weydaarsaday fikrado ku adaadan xaalada siyaasada, sida madaxweynaha uu caddeeyay.

Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee federaalka ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo magaalada Mogadishu, kaas oo la filayo in maamul-gobolleedyada ay ka wada qeyb-gallaan.

Warar kale oo la xiriira