Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanno iyo hoggaamiyeyaal Xisbi oo kulan soo dhoweyn ah u sameeyay Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi, xildhibaanno, madax ka socotay xisbiyada ayaa maanta ka qeyb-galay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka mahadceliyay xafladda soo dhoweynta ah, isagoo Madaxda kulanka joogtay la wadaagay aragtida Puntland ee ku saabsan in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Mar uu ka hadlayay arrimaha masiirka waxaa uu Deni sheegay in ay muhiim tahay in talada la ballaariyo, arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in ay yihiin farriinta ugu muhiimsan.

Doorashada waa in ay noqotaa mid ku dhacda wakhtigeeda isla markaanna ay noqoto mid la isla oggolyahay, ayuu raaciyay.

Mudane Axmed Madoobe, ayaa dhankiisa sheegay in xasiloonida siyaasada ay ku jirto in doorashada ay ku dhacdo xiligeeda.

Warar kale oo la xiriira