Baarlamaanka Warar 

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo sheegay in la dhaqaajiyo mooshinka yaalla Baarlamaanka ee la xiriira maqaamka Gobolka Banaadir

Abdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir, oo ka hadlayay arrimaha la xiriira maqaamka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu jecelyahay in mooshinka yaalla Baarlamaanka ee maqaamka Gobolka Banaadir la xiriira la dhaqaajiyo si ay magaalada ay maqam iyo matalaad rasmi ah u yeelato.

Mudane Shakuur, ayaa hadalkaasi ka sheegay mudaasabad shalay lagu soo dhoweynayay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, oo lagu qabtay magaalada Mogadishu.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bil ka hor ansixiyay 13 kursi oo uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Saree e Baarlamaanka Soomaaliya.

Maqaamka Muqdisho iyo in maamul Goboleed ay noqoneyso waxay soo taagnayd tan iyo dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo mowqifka dowladda federaalka ee Soomaaliya uusan caddeyn, haddana siyaasiyiinta reer Muqdisho ayaa sidoo kale isku khilaafsan arrintaas. Waxaa jiro kuwa badan oo aaminsan in Banaadir ay noqoto maamul goboleed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira