Baarlamaanka Warar 

Guddiga xiriirka caalamiga ee Puntland oo warbixin ka dhegeystay Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha

Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa ayaa warbixin ka dhegeystay Agaasimaha Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha Puntland kaddib markii kormeer shaqo ay ku tageen xafiiska hay’adda.

Cumar Shire Maxamed, Agaasimaha Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha Puntland ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Hay’adda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Hay’adda Xiriirka Jaaliyaddaha doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku tagayeen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda Puntland.

Warar kale oo la xiriira