Baarlamaanka Warar 

“Waxaa lagu qasbanyahay in afartii sannaba mar wadnaha la xanuujiyo qofka raba kursiga madaxtinimada”

Senator Dheg-Dheer, oo shalay hadal ka jeedinayay kulanka soo dhoweynta ahaa ee loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo muhiimada ay leedahay in afartii sannaba dalka ay ka dhacdo doorasho.

Waxaa lagu qasbanyahay in afartii sannaba mar wadnaha la xanuujiyo qofka raba kursiga madaxtinimada, ayuu yiri.

“Anniga isma laheyn Xasan Sheekh kursiga madaxtinimada ayuu weynayaa, maxaa yeelay waxaan arkay sida uu meesha u qurxinaayay habeenkii ugu dambeysay. Subixiina waxaa uu Xasan Sheekh kor u taagay gacanka Madaxweyne Farmaajo”

Mudane Dheg Dheer, ayaa sheegay in uu aad u necebyahay muddo kordhin, waxaana uu madaxda kula dar-daarna in doorashada lagu qabto xiligeeda.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi, xildhibaanno, madax ka socotay xisbiyada ayaa ka qeyb-galay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

Warar kale oo la xiriira