Warar 

Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha, Madaxweyne Deni iyo Xildhibaanno kulan ku yeesha Mogadishu

Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna sii hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmahan jooga magaalada Mogadishu.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, iyo wasiirada maamulka Puntland ku matalada dowladda federaalka, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay kulanka, kaas oo mudanayaasha ay kaga hadleen xaaladda dalka ee dhinca siyaasada.

Inkasta oo labada dhinac aysan faah-faahin ka bixin ujeedka kulanka, ayaa haddana waxaa uu kusoo beegmayaa xili Madaxweyne Farmaajo uu shir ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Puntland iyo Jubbaland, ayaa aad ugu cadaadinaya madaxweyne Farmaajo in la magacaabo Ra’iisul Wasaaraha si loo amba qaado wada-haddalada ku saabsan doorashooyinka.

Warar kale oo la xiriira