Warar 

C/raxmaan C/shakuur “Shaqo joojinta ka socota Ciidanka waa dano siyaasadeed iyo eex qabiil”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cadi Shakur Warsame ayaa walaac xoog leh ka muujineynaa, arrin uu ku sheegay isku milanka Taliska Nabadsugidda (TN), iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka (CXD). 

“Waxaa xog ku haynaa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato Taliyaha Nabad Sugida. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed”. 

“Saraakiisha xirfadda ciidan leh ayaa lagu beddelayaa  kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda. Waxaa la tijaabiyaa daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka. Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh”. 

“Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed.

Waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha ciidanka, gaar ahaan taliska CXD in ay danta Qaranka ka hormariyaan danaha shakhsiga ah, damiirkoodu hago, ilaashadaan diiwanka xirfaddooda shaqo ee mustaqbalka, daacadna qaranka u ahaadaan, kuna xisaabtamaan in ay tirsanyihiin maalamaha ka harsan muddo xileedka madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda”.

Mudane Shakuur, ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Baraha Bulshada arrintaasi kaga hadlay.

Warar kale oo la xiriira