Baarlamaanka Warar 

Guddiga hormarinta reer miyiga ee Baarlamaanka Puntland oo kulamo ka wadda deegaannada maamulka

Guddiga Arrimaha Gudaha, D/Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Golaha Wakiillada DPL oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan Golaha Xukumadda, Guddiga soo xulista Golaha degaanka Degmadda Bursaalax ayaa kulan la qaatay Maamulka degaanka, Isimada iyo Waxgaradka degaanka.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Arrimaha Soo xulista Golaha deegaanka Degmada Bursaalax, iyo sidii isimada iyo odayaasha doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Golaha Deegaanka iyo wacyi-geinta Hannaanka Geedi socodka Dimuquradiyada Puntland, waxaana la isku raacay in odayaasha iyo isimada soo gudbiyaan liiska xubnaha Golaha deegaanka Degmada Bursaalax.

Tan iyo markii Baarlamaanka Puntland uu fasax galay, ayaa guddiyada waxaa ay wadeen kulamo gaar-gaar ah kaas oo natiijooyinkooda la keeni doono Golaha. 

Warar kale oo la xiriira