Warar 

Madaxweynaha Galmudug iyo safiirka dowladda Mareykanka oo ka wadda-hadlay dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb 3

Madaxweynaha Galmudug MD Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda guud dalka ayagoo si gaar ahna uga wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusmareeb[3].

Safiirka Mareykanka ayaa ku ammaanay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay muddadii koobneed iyo doorkii ay ka qaadatay taabagelinta shirarkii Dhusamareb 1,2 & 3.

Warar kale oo la xiriira