Baarlamaanka Warar 

“Dadka heysta labada dhalasho halaga ilaaliyo in ay qabtaan xilalka muhiimka ah ee dalka”

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay kulan yeeshay ayaa si adag uga dooday akhrinta 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Dhowr kamid ah xildhibaannada ayaa soo jeediyay in dadka heysta labada dhalaasho aysan qaban xilalka muhiimka ah ee dalka, halka mudanayaal kalena ay kasoo horjeesteen. 

Xildhibaan Cabdulkhadir CC, oo caddeeyay in uu heysto labo dhalasho ayaa taageeray in xilalka muhiimka ah ee dalka aysan qabin dadka heysta labada dhalasho, maadaama aan la oggeyn halka ay daacad u yihiin. 

“Xilalka muhiimka ah halaga ilaaliyo dadka heysta labada dhalasho maxaa yeelay lama ogga xaga ay jirto daacadnimadooda. Meelaha halbawlaha ah waxaa laga ilaaliyaa qaranimada dalka”, ayuu yiri mudanaha.

Madaxda ugu sarreysa ee dalka sida Madaxweynaha waxaa uu heystay dhalashada waddan kale balse laba sanno ka hore ayuu Farmaajo iska dhigay dhalashada dalka Mareykanka. 

Warar kale oo la xiriira