Baarlamaanka Warar 

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo ka dooday habraaca akhrinta wax kabadalka Dastuurka

Guddiga Arrimaha Dibadda Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay kulan kuyeeshay xafiiska Guddiga, ayaa ka dooday habraaca akhrinta wax kabadalka Dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Shirka Guddiga waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Guddiga Prof. Senator Cabdirizaaq Cusmaan Xasan Jurile waxaana sooxaadiray intabadan xubnaha guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa falanqeyn badan ka sameeyay qodobada dastuurka, waxaana qodobadooda ay dib ugu celin doonaan golaha.

Guddiga wadajirka ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa dhowaan soo jeediyay madaama COVID-19 uu dalka ka jiro in guddiyada gaar gaar loo siiyo fursad ay falanqeyn iyo aragti kusoo sameeyaan kaddibna ay dib usoo celiyaan tallooyinkooda. 

Warar kale oo la xiriira