Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka oo maanta ka dooday heshiiska arrimaha udhaxeeya Turkiya iyo Soomaaliya

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman, Gudoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey iyo Mudane Mahad Cabdalle Cawad, ayaa maanta si wada-jir ah u shir-guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka. 

141 xildhibaan ayaa soo xaadirtay kulanka 26-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ajendaha kulanka maanta ayaa kala ahaa, akhrinta 1aad ee hinidse sharciyeedka dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha iyo akhrinta 1aad hashiiska arimaha udhaxeeya Turkiya iyo Soomaaliya.

Mudanayaasha ayaa dood xooggan ka yeeshay labada ajande iyadoo ay kulanka joogeen xubno ka socday wasaarradaha keennay hindise sharciyeedyada, sida wasiirka Qorsheynta.

Warar kale oo la xiriira