Baarlamaanka Warar 

Waddanka Somalia waa Islam, heshiis kasta oo Baarlamaanka uu gallo waxaa ka weyn Diinta”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal oo maanta ka hadlayay kulankii Golaha ayaa sheegay in Baarlamaanka uusan ansixin karin sharci ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo maqaasideeda, sida Dastuurka uu caddeynayo.

Waddankan waa Islam, shuruucda loo sameeyana dolwaddan Islaamka ah ayaa lagu dhaqayaa. Heshiisyo aan annaga saxiixnay wey jiraan laakiiin heshiis kasta waxaa ka weyn Diinta, ayuu yiri.

Guddoomiye Mursal ayaa xildhibaannada xusuusiyay in Dastuurka QM ay ku qorantahay in wixii kasoo horjeeda Diintooda in ay diidi karaan.

Baarlamaanka bishii hore waxaa la keennay sharciga Galmada kaas oo muran badan uu ka dhashay, waxaana sharcigaasi la sheegay in dhaqanka iyo diintaba uu ka hor imaanayo.

Warar kale oo la xiriira