Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo sheegtay in Bajaajyada ay dhib ku hayaan magaalada iyagana ay dhib isku hayaan

Xildhibaan Canad Xasan Cilmi, ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kula talisay in nidaam loo sameeyo Bajaajyada ka shaqeeya Gobolka Banaadir, si magaalada Mogadishu looga qaado culeyska, isla markaanna Bajaajyada ay u helaan dhaqaallo iyo nasiino.

Xildhibaan Canad, ayaa dhinaca kale soo jeedisay in Guddiga Gaadiidka ee Gobolka Banaadir la isugu yeero sannadkan gudihiisa si nidaamka loo sameeyo. 

“Bajaaj-ta waxaa ay dhib ku heysaa Gobolka Banaadir iyadana waxaa ay isku heysaa dhib, markii ay joogeen Guddoomiyaashii hore ee Gobolka waxaan ka codsanay in Bajaajyada loo sameeyo ABC, si iyagana ay u kala helaan dhaqaallo iyo nasiino isla markaanna magaalada ay u fududaato”, ayey tiri.

Magaalada Mogadishu, waxaa ka shaqeeya Bajaaj badan oo fududeysay isku socodka dad weynaha, madaama nidaamka takaasiyada aan si rasmi ah uga shaqeynin caasimada. 

Warar kale oo la xiriira