Baarlamaanka Warar 

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay Shirka Dowlada Federalka, Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Saaxiibada Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweyey dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gogoleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waddamada ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.

“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamku ay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.

Sebteembar 13, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Warar kale oo la xiriira