Baarlamaanka Warar 

Madaxweynaha Galmudug oo maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad gobolleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta hadal-jeedin ka sameeyey kulan gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda, sida arrimaha Dib-u-heshiisiinta bulsho iyo Siyaasadeed, amniga iyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo shirarkii lagu marti geliyay Dhusamareeb loogana arrinsanayay arrimaha doorashooyinka qaran.

Qaar kamid ah xubnaha guddiga joogta ah ee aqalka sare ayaa su’aalo weydiiyey madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor.

Kulankan oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/lahi, waxaan ka qeybgalay ku xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad, Xubnaha Guddiga joogtada ah iyo qaar kamid ah gollaha xukuumadda Galmudug.

Warar kale oo la xiriira