Baarlamaanka Warar 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo horyimid Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland

Shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubnaha Guddiga ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & masuulyiin ka tirsan Wasaaradda.

Shirka maanta ayaa Guddiga joogta Golaha Wakiillada DPL waxay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, oo Guddiga uga warbixiyay xaaladda dhaqaale Puntland guud ahaan iyo saameynta Caabuqa Coronavirus ( Covid19) uu ku yeesha dhaqaalaha.

Warar kale oo la xiriira