Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa xalay Magaalada Mogadishu ku qaabilay Madadweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur-Galbeed Soomaliya Iyo Hirshabeele Cabdicasiis Lafta-Gareen Iyo Maxamed Cabdi Waare. 

Mudane Mursal ayaa sheegay in ay iska wareysteen xaaladaha dalka uu marayo iyo arimaha doorashooyinka ee dalka. 

Ilo ku dhow-dhow shirka ayaa sheegay in dhinacyada ay sidoo kale ka wadda-hadleen shirka Muqdishu ka socda iyo sidii loo gaari lahaa xal siyaasadeed dan u ay dalka iyo dadka.

Qodobada kasoo baxa shirka dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada ayaa la filayaa in dib loogu celiyo Baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan.

Warar kale oo la xiriira