Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo ka wadda-hadlay doorashooyinka federaalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran.

Labada dhinac ayaa shirkooda kaga hadlay, arrimaha shirka Muqdishu, doorashooyinka iyo arrimaha gobolka Gedo.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo aad isugu aragti dhow ayaa dhowr jeer kulamo la qaatay hoggaanka Madasha, kuwaas oo inta badan ka hadlayay doorashada iyo awooda Guddiga doorashooyinka.

Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa maalmahan waxaa ku kulmayay siyaasiyiinta ka hadlaya Marxalada kala guurka ee uu dalku galay, iyadoo ay ka dhaceen kulamo siyaasadeed oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Warar kale oo la xiriira