Baarlamaanka Warar 

Xasan Sheekh oo madaxda dowladda iyo maamul-gobolleedyada ugu baaqay inay cayimaan Doorashada wakhtigeeda, maamulkeeda iyo nooceeda

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha madasha xisbiyada Qaran, oo shalay galab shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay hannaanka ay ku shaqeyneyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka jaraa’id waxaa ka hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur-Galeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo hoggaamiyaha xisbiga Ileys, Cabdiqaadir Cosoble.

Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud ayaa Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay hannaanka doorasho ee dalka iyo wakhtigii la lumiyay. 

“Madaxweyne Farmaaj dadka wuxiu ku mada-daalin jiray doorasho Qof iyo Cod ah ayaan qabaneynaa, in doorasho qof iyo cod ah la qabto waa war fiican waana waxa ummaddaan ay u baahantahay, waana wixii ugu fiicnaa oo ay Dowlad-nimadeennu kusii tallaabsan laheyd, laakiin shaqo ayay u baahneyd waxbana lagama qaban. 90 maalmood kaliya iyadoo waqtigii Doorashada ay ka dhimantahay ayaa Madaxweynuhu afkiisa Doorasho ay kasoo baxday, maalinta Doorasho ay bilaabaneyso lama yaqaano ilaa iyo hadda”

Madasha Xisbiyada Qaran waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda  iyo Madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada ugu baaqday inay cayimaan doorashada waqtigeeda, maamulkeeda iyo nooceeda.

Doorasho toos ah oo Qof iyo cod iyo doorasho dadban wax udhaxeeyo annaga ma naqaano, ayuu yiri.

Dalkaan kororsiimo ayaa laga rabaa, afkana waa laga dhowrayaa, kororsiimo ayaa loo baahanyahay, waxaan ma qaban karno in la yiraahdana waa laga xishoonayaa, wax kasta oo aan doorashada waqtigeeda ku dhaceynin, ogaada waa kororsiimo, ayuu sii raaciyay. 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira