Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka oo muddo todobaad ah u qabtay Wasaaradda Amniga in ay keenta warbixinta dilka Xamdi Maxamed Faarax

Jimcihii lasoo dhaafay waxaa dabaq ku yaalla Mogadishu laga soo tuuray gabadh dhallinyaro ah taas oo u geeriyootay falkaasi, halka ehelka marxuumadda ay sheegeen in gabadha la kufsaday ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin.

Gabadhan ayaa jirtay da’aadda 20-ka sano, iyada oo ka mid ahayd ardaydii imtixaanka dugsiga sare sannadkan ka baxday. Waxaana magaceeda lagu magacaabay Xamdi Maxamed Faarax.

33 xildhibaan oo Wasaaradda Amniga ka dalbanaya warbinta ku aadan dilka marxuumadda ayaa moshin u gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Ujeedka moshinka ayaa ah dalab warbixin qoraal ah oo ku aadan dilka marxuumada Xamdi Maxamed Faarax.

Kalfadhi ayaa aragtay warqada moshinka oo ay ku caddahay in Wasaaradda Amniga laga codsaday in ay muddo todobaad ah ay Baarlamaanka keento warbixinta dilka marxuumadda.

“Madane wasiir, annaga oo fulineyna amarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuugu soo gudbineynaa, soo  jeedintan is-fasireysa ee halkan ku lifaaqan oo naga soo gaartay 33 xildhibaan oo ku aadan dhacdada ciwaanka ku qoran. Sidaasi awgeed Wasaaradda Amniga waxaa laga doonayaa warbixin qoraal ah oo ku aadan dhacdada kor ku xusan in ay Golaha Shacabka usoo gudbiso muddo hal todobaad ah oo ka bilaabaneysa 14-ka bisha Sep”, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Golaha Shacabka Mudane Cawad, ayaa sidaasi u sheegay Wasaaradda Amniga.

Xamda, ayaa magaalada Muqdisho u joogtay waxbarasho iyada oo la noolayd qaraabadeeda, halka hooyadeed ay ku nooshahay Galgaduud.

Guriga dabaqa ah ee gabadha laga helay meydkeeda ayaa ku yaalla degmada Waaberi gaar ahaan waaxda Maajo waxaana uuna gurigani ka kooban yahay illaa lix dabaq. Goobta dilku ka dhacay ayaa ka fog halka ay degaan u ahayd inantu.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saaray dilka ayaa sheegay in kiiskan loo soo qabtay ilaa 11 eedeysane iyo kuwo kale oo hadda lagu daba jiro, waxayna xuseen in 12kii bishan 9aad ay maxkamad sii daysay labo tuhunsanayaal, iyadoo maxkamadu ku sifaysay inaysan wax xiriir ah ku lahayn kiiska balse waqti kasta oo loo baahdo la heli karo.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira