Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku si muran ay ku jirto ay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.

Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu noqdo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in uu ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geilso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hay’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira