Baarlamaanka Warar 

Guddiga xuquuqda aadanaha iyo arrimaha Qoyska ee Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka dhageystay wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka

Guddiga Xuquuqda Aaadanaha, Arrimaha Qoyska iyo horumarinta Haweenka Golaha Wakiillada DPL ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka & Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL Marwo Aamina Cismaan Xaaji iyo Agaasimaha Guud Maxamed Cabdirisaaq Nuux ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen, Guddiguna u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda doorkoodna ay ka qaadanayaan.

Guddiga ayaa masuulyiinta Wasaaradda shirka kula qaatay Xarunta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Warar kale oo la xiriira