Baarlamaanka Warar 

Muxuu xad-gudub Galmo u fasirayaa sharciga dambiyada la xiriira Galmada?

Bishii hore dood xooggan ayaa ka dhalatay sharciga dambiyada la xiriira Galmada kaddib markii la keennay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa anshax xumo ku tilmaamay qodobada qaar ee ku jira sharciga, halka kuwa kalenna ay taageereen sharciga, waxaana ay codsadeen in la ansixiyo.

Sharcigan ayaa xad-gudub Galmo waxaa uu ku qeexayaa, waa marka si kas ah qof qaan-gaar ah uu qof kale “yar ama weyn” uga qabto, ka taabto ama taabsiiyo xubinta taranka ama qeybaha kiciya shucuurta jinsi, marka labada qofood oo is ogol ay wadaagayaan falka galmo.

Dastuurka ku meel gaarka Soomaaliya qodobkiisa 39-aad, faqradiisa 2-aad, waxaa uu farayaa in la dhowro xuquuqda aadamiga, qofkii ku xad gudbana, wuxuu muteysanayaa ciqaab u dhiganta fal dambiyeedkiisa kuna xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed qodobkiisa 158aad.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa diiday sharciga dambiyada la xiriira Galmada, waxaana dib loogu celiyay wasaaradii soo diyaarisay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira