Baarlamaanka Warar 

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo dar-daaran ku aadan Doorashooyinka u diray Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Mogadishu ayaa kaga hadlay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka Federaalka iyo kaalinta kaga aaddan Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dawlad-Gobolleedyada.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa Baarlamaanka kula dar-daarmay in ay u diyaar-garoobaan in dalka uu doorasho u dareero, ayna wax caqabad ah ku noqonin heshiiska ay gaareen, madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedyada ee ku aadan Doorashooyinka.

Waan ognahay in muddo xileedkiina uu dhammaaday laba bilood iyo siyaado ay ka harsantahay, sidaasi daraadeed, heshiiska waa inaad meel-marisaan, maxaa yeelay waa heshiis siyaasadeed, eeda iyo mas’uuliyadana xagiina ayaa loo soo laaday, ayuu yiri.

Mas’uuliyada iyo fashilka ah in doorasho qof iyo cod ah la qaban waayo,  dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa iska laheyn sidaasi awgeed idinka in aadan qeyb ka noqonina fashilkaas, una diyaar-garowdaan in dalka doorasho uu u dareero, aydaana wax caqabad ah ku noqonina heshiiskaasi, ayuu sii raaciyay.

Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, ayaa heshiis ka gaaray nooca doorasho, waxaana la filayaa in Baarlamaanka loo gudbiyo dhawaan.

Shirka waxaa ka qeyb-galay ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira