Baarlamaanka Warar 

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo codka kalsoonida weydiistay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Eng Maxamed Xuseen Rooble, oo markii ugu horreysay kasoo muuqday warbaahinta tan iyo markii Madaxweynaha uu ku dhowaaqay magacaabistiisa, ayaa Golaha Shacabka ka codsaday in codka kalsoonida ah ay siiyaan.

“Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”.

Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga, ayuu sii raaciyay.

Sebteembar 17, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira