Baarlamaanka Warar 

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulamay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaano

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Mogadishu kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey iyo Xildhibaano kale.

Kulamadan oo isugu jiray is barasho iyo sidii Baarlamaanka uu uga heli lahaa taageero ayaa ahaa mid is faham badan ka muuqday, iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka ee ay hoggaaminayaan Mursal iyo Muudey balan-qaadeen taageeradooda ansixinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa la kulmay Guddiga qaban qaabada Munaasabadda xil wareejinta oo uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Warar badan oo soo baxaya ayaa sheegay in maalinta Isniinta uu Baarlamaanka hortagi doono Mudane Rooble, si codka kalsoonida ah uu u weydiisto.

Sebteembar 17, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii bishan Luuliyo 2020.

Warar kale oo la xiriira