Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Puntland oo maanta ku kulmay magaalada Mogadishu

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Mogadishu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka labada mas’uul oo ay wehlinayeen Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad ayaa looga hadlay arrimaha siyaasada, gaar ahaan doorashooyinka soo socda.

Madaxweynaha Puntland iyo maamulada kale ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka labada Aqal, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira dastuurka. Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.

Warar kale oo la xiriira