Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka oo ka qeyb-galay xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaaladda Muqdisho kaga qeybgalay xafladd ballaaran oo lagu soo dhoweynayo, isaga iyo wafdigiisa, kuwaas oo magaalada Mogadishu u joogay shirkii arrimaha doorashooyinka.

Masuuliyiinta goleyaasha DFS, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bulshada soo diyaarisay xafladda ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey hoggaankiisa maamulka Puntland iyo doorkiisii muhimka ahaa ee uu ka geystay heshiiska lagu go’aamiyey Doorashada Dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Mahad Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish, ayaa ka qeyb-galay xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan oo weliba loogu sameeyay degmada Howlwadaag ee uu ku dhashay kuna soo koray.

 

Warar kale oo la xiriira