Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan la yeeshay xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda deegaannada Koonfur-Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanadda labada Aqal ee ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Wasiiro.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa madaxda kulanka ka qeyb gashay u faah faahiyay shirarkii Sama-reeb ee 1,2 iyo 3-aad ee geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka iyo ugu dambeyn heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu Xildhibaanada ku booriyey inay geedi socodkaasi doorashada dalka lagu gaarsiinayo ay kaalintooda ka qaataan.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow oo ku hadlayay magaca Xildhibaannada ka qeyb galay ayaa soo dhoweeyay  warbixinta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta dowladnimada deegaannada maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda dhexe ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur galbeed in ay ka shaqeeyaan u adeegidda bulshada dhibaateysan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo gaba gabada kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Baarlamaanka 10-aad uu dhameystiray shuruuc walba oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo dalka u horseedaya inuu gaaro xasilooni siyaasadeed iyo hanaan doorasho oo hufan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira