Baarlamaanka Warar 

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo taageero ka dalbaday Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda Beelaha Hawiye

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Mogadishu kula kulmay Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta Beelaha Hawiye.

Kulanka waxaa uu ku saabsanaa taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, waxaa kulankan ka qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

20-kii bishan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Eng Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Golaha Shacabka ka codsaday in codka kalsoonida ah ay siiyaan.

Waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga, ayuu sii raaciy. Labadii maalmood ee la soo dhaafay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa kulamo la yeelanayay Xildhibaannada iyo siyaaisyiinta beelaha, si uu taageero uga helo.

Warar kale oo la xiriira