Baarlamaanka Warar 

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul wasaaraha cusub

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul wasaaraha cusub Mudane Eng Maxamed Rooble.

215 mudane oo soo xaadiray kulanka ayaa dhammaantood codka kalsoonida ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha, mana jirin mudane ka aamusay ama diiday, sida guddoonka Golaha Shacabka Mudane Mursal uu caddeeyay.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo ansixin ka hor kulanka ka hadlay, ayaa sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono arimaha amniga, arimaha doorashooyinka, hormarinta dhaqaallaha, cadaalada, dowlad-wanaaga iyo la adagaalanka musuq-maasuqa, dhammeystirka dastuurka, dib-u-heshiisiin iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa xildhibaannada ugu mahadceliyay ansixinta Ra’iisul wasaaraha, kaas oo uu sheegay in uu soo dhisi doonno xukuumad tayo leh.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira