Baarlamaanka Warar 

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo kulan wadajir ah lagu horgeyn doono heshiiska Doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa isla gaaray in heshiiska Doorashada si wadajir ah loo horgeyn doonno Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Dhinacyada ayaa arrimahaasi kaga hadlay kulanka shalay ay ku yeesheen magaalada Mogadishu, kaas oo sidii kale looga hadlayay muhiimada uu leeyahay heshiiskaasi siyaasadeed. Kulana sidoo kale waxaa looga hadlayay sidii labada aqal ay wadashaqeyntooda dib u soo celin lahaayeen, isla markaana meesha looga saari lahaa mad-madowga u dhaxeeyay.

Xildhibaannada ayaa loogu baaqay in ay ansixiyaan heshiiska kaas oo sida la sheegay xaalad adag ka saaraya dalka, inkasta oo xildhibaanno badan ay ku doodayaan in heshiiska uusan wax badan ka duwaneyn kii sannadkii 2016.

Warar kale oo la xiriira