Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad u jeedinaya Baarlamaanka iyo xildhibaannada oo codka kalsoonida u qaadi doonna Ra’iisul wasaaraha magacaban

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta la filaayaa inuu Khudbad ka jeediyo kulanka Baarlamaanka, isaga oo waydiisan doona xubnaha inay codka siiyaan Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena arrimaha uu kala hadlayo waxaa kamid ah meel marinta heshiiskii doorashada ee ay dhawaan gaadheen Madaxda maamulada, gobolka Banaadir iyo kuwa Federaalku.

Dhinaca kale isla maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay codka kalsoonida u qaadaan Ra’iisul wasaaraha magacaban ee Soomaaaliya Maxamed Axmed Rooble, oo dhawaan uu xilkaasi loo magacaabay, sida xalay uu sheegay Guddoonka Golaha Shacabka.

Mudane Rooble, ayaa tan iyo markii la magacaabay waxaa uu kulamo la qaadanayay xildhibaannada, isaga oo ka dalbanayay in codka kalsoonida ay siiyaan, si uu u guto waajibaadkiisa shoqo.

Halkan kala soco kulanka maanta…

Warar kale oo la xiriira