Baarlamaanka Warar 

Akhriso: 8-da qodob oo saldhiga u noqon doonna Xukuumadda uu soo magacaabi doonno Ra’iisal Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay codka kalsoonida ay siiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.

8 qodob ayuu sheegay in uu mudnaanta koowaad siin doono, isla markaana saldhig u noqon doono Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Waxaa ka mid ahaa qodobadaas:-

1- Arrimaha amniga,

2- Doorashooyinka

3- Horumarinta dhaqaalaha iyo adeega buslahda

4- Cadaalada iyo garsoorka

5- Dowlad wanaag iyo ladagaalanka musuq maasuqa

6- Dib u eegista Dasuurka

7- Dhab-u-heshiisiinta

8- Iskaashiga caalamiga ah

Madaxweynaha oo la wadaagay Xildhibaannada Golaha Shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yididiillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

Warar kale oo la xiriira