Warar 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra`iisul Wasaaraha cusub oo maanta kulan ku yeeshay madaxtooyada

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulan saacado qaatay uu la yeeshay Ra`iisul Wasaaraha cusub, Maxamad Xuseen Rooble.

Wuxuu sheegay in kulanka oo uu martigeliyay ray`iisul wasaare Rooble uu ujeeddadiisu ahaa is wareysi iyo talo jeedin.

Arrimaha ay diiradda ku saareen wada hadalkooda ayuu ku sheegay inay ka mid tahay doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda.

Wuxuu xusay in ra`iisul wasaaraha uusan dooneyn wax muddo kordhin ah, isla markaana uu daneynayo in doorashadu ay ku dhacdo xilligeeda.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Rooble magacaabay 18-kii bishan September.

Warar kale oo la xiriira