Baarlamaanka Warar 

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo aqlabiyad ku ansixiyay heshiiska doorashada

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadda-jir ah, ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay heshiiskii doorashada ee dhawaan ay gaareen madaxda dowladda Federaalka iyo maamul-gobolleedyada.

Guddoonka Labada Aqal oo kulanka shir-guddoominayay ayaa sheegay in 252 xildhibaan ay u codeeyeen heshiiska, laba mudane ay diideen, halka sidoo kale hal xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiye Mursal, ayaa sheegay in heshiiskaasi uu hadda yahay sharci, waxaana heshiiskaasi uu qeexayaa doorashooyin dadban in dalka ay ka dhacaan sannadkan iyo horraanta sannadkan 2021.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in aan heshiiskan siyaasadeed waxba laga bedeleyn oo sidiisa loo dhaqan gelinayo.

17-kii bishan Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira