Baarlamaanka 

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in labada aqal ee Baarlamaanka ay gaareen go’aan tariikhi ah

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Mudane Axmed ayaa sheegay in ansixinta ay dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman, iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeennu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arrin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeenna” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhammaan dhinacyadu ay u dhan yihiin, si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Guddoonka Labada Aqal oo kulanka shir-guddoominayay ayaa sheegay in 252 xildhibaan ay u codeeyeen heshiiska, laba mudane ay diideen, halka sidoo kale hal xildhibaan uu ka aamusay.

Warar kale oo la xiriira