Warar 

Madaxweyne Saciid Deni oo shaaciyay heshiiska ay gaareen Puntland iyo Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu kulamo kula lahaa dhigiisa.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo khudbad la jeediyay munaasabada ayaa sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ku heshiiyeen horumarinta iskaashiga, dhinacyada Amniga, ganacsiga, isdhexgalka Bulshada iyo dowlad dhisidda, iyadoo Puntland wixii aqoon dowladdnimo iyo shuruuc ah ku taageerayso Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed dowlad iyo shacaba sida wanaagsan ee isaga iyo wafdigiisa usoo dhoweeyeen

Warar kale oo la xiriira