Baarlamaanka 

Maxaa maanta looga hadlay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka?

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta xarunta Guddiyada iyo Guddonka Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii saddexaad ee Kalfadhiga 8-aad. 

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka guddiga 

Xildhibaannada ayaa kulankooda uga hadlay shuruucda hortaalla Golaha, iyo sidii loo kala hormarin lahaa ama mudnaanta loo kala siin lahaa, maalmaha la kala gelinayo shuruucdaasi kulamada Golaha. 

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa shaqadda Baarlamaanka, inta ka harsan muddada Dastuuriga ee u harsan Golaha.

Warar kale oo la xiriira